Allbanaadir.com
NEWS

TPLF oo Fariin u dirtay Soomaalida kunool dalka Itoobiya iyo qowmiyadaha kale ee dalkaasi

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kooxda Tigrey ayaa dib uga soo cusboonaaday Waqooyiga Itoobiya, waxaana dagaalkan guulo ka gaaray oo goobo badan kula wareegay ciidamada TPLF.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo wareysi siiyay telefisinka Tigrey ayaa ka hadlay dagaalka socda, waxa uuna fariin u diray qowmiyadaha kala duwan ee kunool dalka Itoobiya ay ku jiraan kuwa Soomaalida.

Getachew Reda ayaa ugu baaqay qowmiyadaha kunool dalka Itoobiya in aysan qeyb ka noqon dagaalka ay kula jiraan ciidamada federaalka, waxa uuna si gaar ah fariin ugu diray Soomaalida kunool dowlad deegaanka u ugu baaqay in dagaalka qeyb aysan ka noqon.

Afhayeenka TPLF ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay jufo katirsan beesha Ogaadeen in aysan wiilashooda uga dhiman iyaga oo difaacaya dhul aysan laheyn Amxaaro, waxa uuna tilmaamay in rasaasta ay ridayaan ciidankooda kala aqoon Soomaali iyo Amxaaro.

“Walqayti Amxaarada iyo shacabka Amxaarada iskama laha. beeraleyda Amxaarada goormee ayay Walqayti yeesheen kana faa’ideysteen? …ma jirto sabab ay dhallinyarada Soomaalida ah ugu dhammaanayaan halkaasi,” ayuu yiri Getachew Reda.

Dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya kula jiraan kooxda TPLF waxaa qeyb ka ah ciidamo Soomaaliyeed oo laga diray dowlad deegaanka, kuwaa oo lasoo sheegay qaarkood in lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-bax looga soo horjeedo Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Sii hayaha RW oo qodobo Muhiim ah kala hadlay danjire Steffan Tillander

Caydiid Ali

Gabdhihii ugu horeeyay oo kamid noqday Haramcad oo tababar loo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---