Taiwan ayaa rasaas digniin ah ku ridday diyaarad Drone ah oo Shiine ah taasoo ku xad gudubtay xeebta Talaadadii wax yar ka dib markii madaxweyne Tsai Ing-wen ay sheegtay inay amar ku bixisay in militariga Taiwan ay qaadaan “tallaabo adag” oo ka dhan ah waxa ay ku tilmaantay daandaansiga Shiinaha.
Waxay ahayd markii ugu horreysay oo rasaas digniin ah lagu rido dhacdo noocan oo kale ah iyadoo ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhexeysa Shiinaha iyo Taiwan, oo Beijing ay u aragto dhul ay iyadu leedahay. Taiwan ayaa si adag uga soo horjeeda sheegashada Shiinaha.
Diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa dib ugu laabatay dalka Shiinaha kadib markii rasaasta la riday, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada.
Taiwan ayaa ka cabatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinaha oo si isdaba joog ah ugu duulayay meel aad ku dhow jasiirado ay maamusho oo ku dhow xeebaha Shiinaha.
Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ka sameeyay agagaarka jasiiradda ka dib booqasho ay bishan ku tagtay afhayeenka aqalka wakiilada ee Maraykanka Nancy Pelosi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa meesha ka saartay cabashada Taiwan ee ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.