Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda sare ee Kenya oo aqbashay arrin xasaasi ah oo uu dalbaday Raila Odinga

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku amartay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka inuu u fasaxo wakiillada xisbiga murashaxa Madaxweynaha Kenya, Raila Odinga, inay kormeer ku sameeyaan xog-keydiyeyasaha kombiyuutarrada loo isticmaalay gudbinta tirinta codadka iyo keydintooda.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in muddo 48 saac gudahood ah baaris iyo dib-u-tirin lagu sameeyo 15 xarun cod-bixin, taasoo qeyb ka ah diidmada uu doorashada ka gudbiyay Odinga

Guddoomiyaha Maxkamadda, Martha Koome ayaa fartay madaxa booliska inuu si wanaagsan u sugo amniga wakiillada inta ay socoto howsha kormeerka oo ka dhici doonta meel aan la shaacin.

Dhegeysi hordhac ah ayay maxkamaddu sameysay maanta, waxayna waqtiyaysay dhegeysiga doodaha xisbi kasta iyo wakiillada.

Odinga ayaa diiday natiijada doorashada, isagoo sheegay in ku dhawaaqista in uu xilka ku guuleystay Ruto ay ahayd mid sharci-darro ah, taasoo uu u cuskaday kala qeybsanaanta guddiga doorashada

Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Madaxweyne ku-xigeenka William Ruto uu ku guulaystay doorashadii la qabtay 9-kii Agoosto.

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Burka Diirimeed iyo Sheekh Shariif oo ….

Cabdi Cade

Yuusuf Dabageed oo goordhaw loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle

Cabdi Cade

Taliska Milateriga Somaliland oo war cusub ka soo saaray dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---