Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Qaraxyo ku bilowday oo saakay lagu qaaday xero Milatariga Somalia ay degan yihiin

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay waabarigii hore weerar qaraxyo ku bilowday waxa ay ku qaadeen xero ay degnaayeen Milatariga Soomaaliya iyo ciidanka Jubbaland oo kutaala deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Sida aan Wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa weerarka ku daah furay qaraxyo ismiidaamin ah, waxaana qaraxyadaasi kadib xerada weerar toos ah ku qaaday dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Dagaal socday dhoor saacadood ayaa ka dhacay xerada ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland kaga sugnaayeen Baar Sanguuni, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro aad u xoogan.

Al Shabaab war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda dagaal kula wareegeen saldhiga Milatari ay weerareen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in ciidamo badan ku dileen weerarkaasi.

Dhinaca kale sargaal katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa uuna sheegay in dagaalka kaga adkaadeen ayna hada ku daba jiraan firxadka Al Shabaab.

Dad ku sugan deegaanka Baar Sanguuni ayaa sheegay in dagaal socday ku dhawaad sadex saacadood in uu ka dhacay deegaankaasi, waxa ayna xuseen in uu jiro khasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Deegaanka saakay lagu weeraray ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa dhoor bil kahor lagu dilay askari Mareykan ah, waxaana deegaankaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya kala wareegeen Al Shabaab oo horey u maamuleysay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taliyeyaasha ciidanka Xooga dalka & ATMIS oo gaaray degaanka Wargaadhi

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Xamse iyo dhigiisa C/qaadir Kaamil Max’ed (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Deni, Karaash & C/rashiid Jibriil oo heshiis ka gaaray khilaafkii doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---