Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiisha TPLF oo beeniyey Warar lagu faafiyey warbaahinta & baraha bulshada

Afhayeen u hadlay ciidamada TPLF ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadoodu qabsadeen magaalo ku taalla gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada.

Qaar kamid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa baahisay in kooxda TPLF ay gudaha u gashay magaalada Weldiya ee gobolka Axmaarada, iyadoo sidoo kalena wararkaas si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

Sarkaal ka tirsan kooxda TPLF ayaa sheegay in wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah, isagoo sheegay in ciidamada Tigray aanay wali galin magaalada Weldiya.

Ilaa hadda dagaalada dib u soo cusboonaaday ayaa ka socda agaagaarka magaalada Kobo.

Wararkan ayaa soo baxay, kadib Isku dhacyo ka soo cusboonaaday dalka Ethiopia todobaadkii hore ka dib markii ay dagaalo dhexmareen Ciidamada Militariga ee dawladda Ethiopia iyo kuwa Tigray, dagaaladan cusub ayaa dib u bilawday iyadoo ay xaaladdu deganayd muddo shan bilood ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa ku guulleystay in heshiis horudhac ah la kala dhex dhigo Maleeshiyaad ku dagaalamay Deegaanka labagalle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Saraakiisa Ciidanka ayaa sheegay in lagu guuleystay in la kala qaad Maleeshiyaadka hubeysan, isla markaasna goobihii ay ku sugnaayeen ay dageen Ciidanka Dowladda.

 

 

Related posts

(Sawirro) RW Xamse oo baaq u diray Golaha shacabka BFS ka dib shaacintii Wasiirada cusub

Caydiid Ali

Xiisad ka jirta degmada Kaxda & Ciidanka Puntland oo weeraray Nabadoon caan ah oo ….

admin

Yaa Maanta xilka ku wareejinaya Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---