Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Rajoelina oo ka murugooday shacab careesan oo ciidamada booliiska toogteen

Ciidamada booliiska dalka Madagascar ayaa toogasho ku dilay shacab careesan oo weeraray saldhig booliiska, si ay usoo furtaan dad ciidamada u xireen tuhun la xariira dil iyo afduub carruur loo geestay.

Boqolaal qof oo careeesan ayaa weerar ku qaaday saldhig booliis oo lagu hayay dad lagu tuhmayay in ay ka dambeeyeen dil loo geestay haweeney iyo sidoo kale afduub lagula kacay carruur ay dhashay haweeneyda la dilay.

Ciidamada booliiska ayaana rasaas ku furay shacabka banaan baxa dhigayay, kaddib markii ay kusoo dhawaadeen saldhiga, waxa ayna ciidamada sheegeen in shacabka wateen baangado iyo budad ayna halis galiyaan nolosha askrata.

Inta la xaqiijiyay 11-qof oo kamid ahaa dadka doonayay in dadka xiraan soona daayaan ayaa la dilay halka tiro kalana la dhaawacay, waxaana booliiska la sheegay in dadkaasi u adeegsadeen rasaas nool nool.

“Ciidamadu waxay sameeyeen tallaabo kasta oo suurogal ah, si looga fogaado inuu dhaco iska hor-imaad ama rabshado. Waxaa ciidamadu ay sameeyeen xayndaab ammaan ah oo ay tahay inaan dadweynuhu soo dhaafin, waxaanna u sheegnay dadweynaha in arrinta wadahadal lagu dhameeyo si looga hortago inuu dhiig daato” ayuu yidhi Gen. Andry Rakotondrazaka oo ah taliyaha ciidamada ammaanka.

Madaxweynaha dalka Madagascar Andry Rajoelina, qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu aad uga marugooday falkan lagu dilay dadka shacabka ah, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii dhacdaaasi ku dhntay.

Andry Rajoelina, ayaana ku baaqay in baaris degdeg ah lagu sameeyo toogashada ciidamada ammaanka u geesteen dadka shacabka ah, waxa uuna ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo Ilhan Cumar ku weeraray Gobolkeeda

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Sagootin ah la qaatay Lucas K. Tumbo (Sawirro)

Cabdi Cade

Janaraal Xuud oo sheegay in ciidankiisa heestaan Baladweyne Maamul cusubna dhisayaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---