Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Muuqaal “Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa madaale karti badan oo awood u leh inuu dhowr aayaamood!!

Qof walibaa oo ibnu aadam ah wuxuu leeyahay samaan iyo xumaan, waxaana waajib ah marka aad qofka nuucaasi ah aad ka faaloonayso in aad sheegtaa wanaagiisa iyo xumaantiisa, ma ahan in aad hal dhinac oo kaliya aad qofkaasi usha ugu dhufataa.

Hadaba iyada oo taasi laga duulayo, waxaan barnaamijkaan ugu hadli doonaa, shaqsiyadii Allaha u Naxariistee Maxamed Siyaad Barre Madaxwaynihii Soomaaliya ee dalka laga saaray 26/01/1991.

Maxamed Siyaad marka laga eego dhanka wanaagsan, wuxuu ahaa madaale karti badan oo awood u leh inuu dhowr aayaamood nasasho la’aan si xiriri ah u shaqeeyo iyadoo aan laga dareemin in yar oo daal ah.

Wuxuu ahaa Aftahan eebe ku manaysatay xasuus xad-dhaaf ah, hibino u lahaa in uu aragtidiisa fasiro bulshadana aad u beerlaxawsado, maadaama MSbarre uu kamid ahaa kaadiriintii gumaysigu tababaray, feker ahaan wuxuu u janjeeray dhanka talyaaniga, MSiyaad marka uu bulshada la hadlayo wuxuu ahaa mid aftahan aha oo heli ogaa hadalada.

Maxamed Siyaad sidaan horay usoo sheegay wuxuu u janjeeray dhanka talyaaniga, hadana xaqiiqdii ma aheyn kabaqaad shisheeyaha u suujuuda, oo soomaalinimada ayuu iskula waynaa, ma aheyn sida siyaasiyiinta maanta jira ee lagu tilmaami karo duyuusta ee dalkooda iyo dadkoodaba u gacan gelinaya xabashida iyo carabta iyo waliba wadamada reer galbeedka ee danaha gaarka kaleh khayraadka dalka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu ka bilowday khilaafka Wasiirka Maaliyada & Xisaabiyaha Qaranka? (Akhriso)

Caydiid Ali

Bankiga IBS oo Muqdisho kusoo Bandhigey adeeg Cusub (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Sheekh Shariif kala hadlay Arin uu Walaac ka muujiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---