Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo War culus kasoo saaray dagaalka TPLF

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa jabhada TPLF ayaa kasoo cusboonaaday waqooyiga dalkaasi, waxaana dagaalka durba guulo ka gaaray oo magaalooyin kula wareegay kooxda TPLF.

Ciidamada daacada u ah TPLF ayaa qabsaday magaalooyin kuyaalla gobolka Amxaarada, waxaana ciidamada TPLF isku dayayaan in ay qabasadaan magaalooyin kale oo kuyaalla gobolada Amxaarada iyo Canfarta.

War saxaafadeed kasoo baxay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu cambaareeyay weerarka TPLF , waxa ayna maamulka ku eedeeyeen kooxdaasi in tacadiyo badan dalka Itoobiya gaar ahaan deegaanada Soomaalida ka geesteen.

Dowlad deegaanka ayaa sheegtay in dagaalka kasoo cusboonaaday Waqooyiga Itoobiya uu khatar ku yahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, waxa ayna sheegeen in ay garab taagan yihiin ciidamada federaalka Itoobiya.

“Marka laga soo tago xadgudubyada ka baxsan bini’aadannimada ee kooxda TPLF ay ku kacaysay 27-kii sano oo ay gacanta ku haysay talada dowladda dhexe ee dalka, waxay xanuun iyo dhibaato badan mar kale u geysteen dad badan, kooxdan ayaa waxay dil, barakac iyo kufsi u geysatay haween badan, waxayna gayiga Soomaalida ka geysteen falal arxan darro ah oo aan la qiyaasi karin.” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka .

War saxaafadeedka kasoo baxay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sidoo kale lagu sheegay “Haddaba xukuumada deegaanka Soomaalida iyo shacabka oo garowsaday in hadafka xun ee kooxdani ee lidka ku ah nabadgalyada guud iyo horumarka dalkeena, waxay sii xoojin doonaan taageerada ciidamada dowladda isla markaana ay burburinayaan shirqoollada ay maleegayaan xulafayoonka TPLF sida Al- Shabab,”

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa soo gaaray maamulada Amxaarada iyo Canfarta, waxaana dagaalka laga cabsi qabaa in uu gaaro magaalooyin hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askartii AMISOM looga dhaawacay dagaalkii Balcad oo la keenay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo ka baxay Shirkii Dhuusamareeb iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Gabar todobo jir ah oo la kufsaday kadibna jirkeeda la googooyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---