Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Kenya oo heegan sare la galiyay kaddib Hanjabaadii Al Shabaab

Al Shabaab ayaa soo saartay fariin hanjabaad ah oo ku socday shacabka iyo dowladda Kenya, waxa ayna Al Shabaab ku hanjabeen in weeraro ka fulin doonaan gudaha Kenya haddii aysan ciidankooda dalka kala bixin.

Fariintan Al Shabaab u dirtay dalka Kenya ayaa durba abuuray cabsi xoogan, waxa ayna dowladda heegan sare galisay ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka jooga xadka Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya.

Saraakiisha ciidamada amaanka dalka Kenya oo kulamo degdeg ah yeeshay ayaa isku raacay in heegan la galiyo ciidankooda jooga Soomaaliya iyo kuwa xadka ku sugan, waxaa sidoo kale la adkeeyay amaanka xarumaha suurto galka tahay in la weeraro.

Ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda Soomaaliya ayaa amar lagu siiyay in ay la socdaan dhaqdhaaqa xadka iyo dadka kasoo gudbaya, waxaa  sidoo kale la faray saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ciidanka heegan galiyaan.

Dalka Kenya ayaa horey waxaa uga taagnaa cabsi laga qabo rabshado ka dhasha doorashada muranka ku jira, waxaana hadda soo korortay cabsi kale oo la xariira hanjabaada Al Shabaab ee ku aadan in dalkaasi weearro ka geesanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xasan Shiikh oo tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada xun uu qaatay Abiy Axmed

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxyadii iyo Dagaalkii cuslaa ee saakay ka dhacay Qaayib

Cabdi Cade

Maxay tahay talaabada uu qaaday Imaaraadku ee Dowlada Somalia ka mahad celisay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---