Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Moussa Faki oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Mudane Xamse iyo Mudane Moussa ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Ra’isul Wasaaraha iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa si gaar ah kulankooda diirada ugu saaray dhinacyada amniga iyo siyaasadda, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha ugu baaqay Midowga Afrika in ay ka gacan siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Midowga Afrika waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo kumanaan gaaraya oo hadda ku howlagala ATMIS, ciidankan ayaana u muuqday muddooyinkii lasoo dhaafay kuwa aan dhaafin xeryahooda gacan weyna aan siin ciidanka dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saadaasha Doorashada: Yaa ku guuleysan doona madaxweynaha 10aad ee dalka ?

Cabdi Cade

Sidee Ciidul Fitriga looga dabaaldegay Muqdisho & gobolada dalka?

Caydiid Ali

Maxaabiistii reer Somaliland oo Muqdisho loo soo duuliyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---