Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Kamel Rezig una gudbiyay Fariin Madaxweyne

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, oo ku sugan dalka Tunuusiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya, Mudane, Kamel Rezig.

Xamse Barre iyo Wasiirka Ganacsiga Aljeeriya ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii Aljeeriya gacan uga geesan laheyd taageerada Soomaaliya u fidiyaan dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wasiirkan matalayay dowladda Aljeeriya u gudbiyay fariin uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud si uu u gaarsiiyo Madaxweynaha Aljeeriya.

Wasiirka Ganacsiga Aljeeriya ayaa ballanqaaday in ay Dowladd Soomaaliya ka caawin donaan arrimaha la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo sidoo kale arrimaha gurmad abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Dil ah oo lagu fuliyay Saddex nin oo ka dambeeyay qaraxyo dad badan ku dhinteen

Cabdi Cade

Danjire Schwartz : “Somalia waxay mar kale qarka u saaran tahay dagaal sokeeye”

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo soo bandhigay Fashilka Farmaajo mudadii uu xilka hayay

Cabdi Cade