Dowlada Turkiga ayaa cambaareeysay waxa uu ku tilmaamay hadallada aan la aqbali karin ee Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ka sheegay Aljeeriya.
Macron ayaa dhallinyarada ugu baaqay inay ka fogaadaan quwadaha shisheeye ee faafinaya dacaayadaha ka dhanka ah Faransiiska ee ku aaddan Afrika.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqasho ku tagay dalka Aljeeriya oo ka mid ah dalalka uu horey Faransiiska u gumeysan jiray.
Ujeedka booqashadan ayaa in lagu hagaajiyo xiriirka murugsan ee labada dal ayaa Jimcihii u muuqday inuu uga digayo dhallinyarada Aljeeriya iyo Afrikaanka marin habaabinta shabakadaha ay saameeyaan Turkiga, Ruushka iyo Shiinaha kuwaasoo sheegay in Faransiiska uu yahay cadowgooda.
“Dadka u dhaqdhaqaaqa siyaasadda Islaamka badankood waxay leeyihiin cadaw, waana Faransiiska, Qaar badan oo ka mid ah shabakadaha Turkiga, Ruushka iyo Shiinaha ayaa si qarsoodi ah u riixaya mabda’aas marin habaabinta ah,” ayuu yiri Macron.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga Tanju Bilgic, ayaa si kulul u weeraray hoggaamiyaha Faransiiska waxaana uu hadalkiisa ku tilmaamay mid nasiib darro ah
“Waa wax aan la aqbali karin in Macron, oo ay ku adag tahay inuu wajiga siiyo dalalkii Afrika ee uu gumeystay, gaar ahaan Aljeeriya, uu isku dayo inuu ka takhaluso tacaddiyada gumeysigiisii hore isagoo eedeymo u jeediyay dalal kale oo uu ku jiro dalkeenna,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.
“Waxaan rajeyneynaa in Faransiisku uu gaaro heerka siyaasadaha qaan-gaarka ah si uu u wajaho dalalkii uu horey u gumeystay isagoon eedayneynin dalal kale oo uu ku jiro dalkeenna.” ayuu sidoo intaas ku daray afhayeenka.