Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdiga la socda ee ku sugan Garawe ayaa caawa kulan casho sharaf ah waxaa loogu sameeyay xarunta madaxtooyada Puntland.
Kulankan casho sharafta ah waxaa soo agaasimay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana munaasabadda casho sharafta ku sugnaa oo ka qeyb galay masuuliyiin katirsan dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii saddexaad ku hoyanaya magaalada Garawe ayaa kulamo albaabada u xirnaayeen la qaadanayay madaxweynaha Puntland Siciid Deni, lamana oga ilaa hada waxa ay kusoo dhammaadeen kulamada labada dhinac dhax maray.
Xasan Sheekh ayaa la filayay in kulamo kala duwan la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garawe, mana jiraan wax kulamo ah oo la shaaciyay uu madaxweynaha la qaatay siyaasiyiinta iyo bulshada ku dhaqan Garawe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Garawe sidii xal looga gaari lahaa tabashooyin uu qabo madaxweynaha Puntland, mana cada ilaa hadda in la xaliyay tabashooyinkii uu qabay Deni iyo waxyaabaha ay labada dhinac isku fahmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com