Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Sh. Mukhtar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Xil. Saalax Shariif Sayid Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Wasiirka iyo Xubnaha kasocday Guddiga Shaqaalaha Qaranka Rayidka Dowladda ayaa ka wadahadlay hanaanka shaqada ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo sida loo horumarin lahaa awooda iyo cududa shaqaale ee ay haysato Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta XFS Mudane Sh. Mukhtar Roobow Cali ayaa dul istigaay muhiimada ay u leedahay sare uqaadida Aqoonta iyo Xirfada Shaqaalaha Wasaaradda.
Xubnaha ka socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin la xiriirta hanaanka Shaqada iyo Shaqo galka guud ahaan Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo Wasiirka Gudoonsiiyay Sharciga lagu maamulo Shaqaalaha Rayidka Dowladda ee Lr.11 ee soo baxay Disember 2006.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com