Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Tunis kula kulmay Ra’isul Wasaare Abdoulkader Kamil (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Abdoulkader Kamil Mohamed.

Labada Ra’isul Wasaare waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan dalka Tunuusiya uu ka socdo shir madaxeeed u dhaxeeya waddamada Afrika iyo Japan ayaa kulamo kala duwan la qaadanaya qaar kamid ah madaxda shirkaasi ka qeybgaleysa.

Xamse Cabdi Barre oo safarkiisii ugu horeeyay ee dibadda u baxay tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul Wasaaraha ayaa madaxda uu la kulmayo kala hadlaya xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo Shaaciyay tirada Xildhibaannada ku dhaawacmay dagaalka …

Cabdi Cade

Kulan xasaasi ah oo caawa Muqdisho uga socda RW Khayre & Guddoomiye Mursal

Caydiid Ali

Shiinaha oo ka hadlay Wararka sheegaya in weerar dhinaca Internetka ku qaadeen Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---