Allbanaadir.com
NEWS

Feysal Waraabe oo oggolaaday muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng Feysal Cali Waraabe, ayaa oggolaaday muddo kordhin bilooyin ah oo loo sameeyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi .

Feysal Cali Waraabe oo wareysi siiyay idaacadda BBC ayaa oggolaaday in muddo kordhin farsamo loo sameeyo Madaxweyne Biixi, waxa uuna cadeeyay in uu raali ka yahay in muddo kordhin aan ka badneen lix bilood loo sameeyo xukuumadda.

“Farsamo ahaan way yara durkaysaa [doorashada] sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay lix bilood ka badan. Beesha caalamku waxay nagu tiri afar ilaa lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa. Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah,” ayuu yiri Feysal Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa sidoo kale aqbalay talo soo jeedin ka timid guddi ganacsato ah oo waday dhax dhaxaadin, kuwaa oo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan ururada ay mar qura wada dhacaan.

Xisbiga kale ee mucaaradka ee Waddani ayaan wali aqbalin dhankooda muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Biixi , waxaana wali jira khilaaf ka dhashay doorashadii loo ballansanaa ee waqtigeeda kadib dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf soo kala dhax galay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo fuliyay howlgal lagu dilay saraakiil badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo howlgal afduub ah ka fuliyey Lubnaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---