Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo UK oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Daawo Sawirro)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ahna Ra’iisul xigeenka Dalka mudane Salah Jama, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka iyo safiirka dowladda Ingiriiska ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka & iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uk.

Waxaa sidoo kale kulankan diirada lagu saaray xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha Abaaraha iyo sidii dowladda UK gacan uga siin laheyd dowladda arrimahaasi.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna mar kale Soomaaliya u balanqaaday in ay ka taageereyso dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad badeed Soomaali ah oo isku dhiibay ciidamada badda dalka Hindia kaddib markii…

Cabdi Cade

Magacaabistii Farmaajo oo shaki wayn galisay reer Muqdisho iyo hadalkii Mahad Salaad oo laga hadal hayo Muqdisho !!

admin

Dowladda Somalia oo labo Magaalo gaarsiisay qalab loogu talo galay COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali