Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka qeyb galaya Shir u dhaxeeya Dalalka Afrika iyo Japan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalaya Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika oo ka furmay maanta magaalada Tunis – kaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka waxaa maanta oo sabti ah si rasmi ah u furay Madaxweynaha dalka Tunisia, Qays Saciid oo ka hadlay iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka qaaradda Afrika iyo dowladda Japan.

Shirkan caalamiga ah oo sidoo kale qudbado ay ka jeedinayaan madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxay kaga wada hadlayaan qodobo ay ugu waaweyn yihiin kobcinta dhaqaalaha, sidii loo abuuri lahaa fursado horumar, bulsho isku filnaansho gaarta iyo qaabkii looga shaqeyn lahaa nabad iyo degenaansho ay helaan wadamada Afrika.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shirkan ku matalaya dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa Ra’isul Wasaaraha in shirka kaddib kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah madaxda shirka ka qeyb galeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo la wareegay Koontaroolka Koonfureed ee Garawe Digniina diray

Cabdi Cade

Nin Telefishin ka sheegay sida uu Dumarka u kafsado iyo Caro xoogan oo ka dhalatay !!

Cabdi Cade

Xasan Cali Kheyre oo Caawa Raali galiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Cabdi Cade