Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulkaasi iyo masuuliyiin kale.
Xasan Sheekh ayaa kulamo kala duwan oo albaabada u xirnaayeen xalay iyo maanta madaxtooyada Garawe kula yeeshay Madaxweyne Siciid Deni, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhoor ah oo khilaaf ka taagnaa.
Kulamada u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni ayaan si rasmi ah loo ogaan karin waxa ay diirada ku saareen maadaama labadooda kaliya kulanka ku koobnaa, mana jiro ilaa hadda wax faahfaahino ah oo labada dhinac kasoo saareen kulamada dhacay.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland ay yeesheen kulan ay albaabbadu u xirnaayeen ayna diirada ku saareen waxyaabo hoose oo jira.
“Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kaddib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan oo ay labadooda keli ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wada hadleen si wax la isula dhaadhaado inta aanu kulanka ballaaranin,” ayuu yiri wasiirka.
Maamulka Puntland ayaa u muuqda in aysan ku qanacsaneyn hab maamulka Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna madaxweynaha Puntland horey u sheegay in aan lagala tashan magacaabista Ra’isul Wasaaraha iyo dhismaha xukuumadda cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya oo safarkiisa horey loo shaaciyay in labo maalin qaadan doono ayaan jirin kulamo kale uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, mana jiro ilaa hadda faahfaahino madaxtooyada kasoo saartay safarka Madaxweynaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com