Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin aan Qubeysan muddo ka badan 22-sanno iyo Sababta ku kaliftay oo la ogaaday (Sawirro)

62 jir ku nool gobalka Bihar, dalka Hindiya ayaa qabsaday hadalheynta dadweynaha kadib markii la ogaaday inaanu qubeysanin muddo ka badan 22 sannadood.

Dharamdev Ram, wuxuu caan ka yahay xaafaddiisa Baikunthpur. Qof kastana wuu og yahay inaanu gu’yaal badan qubeysan jirin laakiin cidna kuma colaadin kumana ceebeynin go’aankiisa. Waana lagu tixgeliyaa. Sababta oo ah wuxuu go’aankaas ku gaaray ilaa iyo inta laga dhameynayo ama ay soo gabagaboobayaan tacaddiyada ka-dhanka ah haweenka, carruurta, iyo dabcan wuxuushnimada lagula kaco xayawaannada. In kasta oo taasi weligeed u muuqato mid aan ka suuragaleynin dunida guudkeeda, Ram wuxuu kusii hal-adkeysanayaa go’aankiisa.

“1975 waxaan ka shaqeynayay warshad – 78-kiina, waan guursaday,” ayuu yiri. “Balse bilowgii sideetamaadkii, waxaan dareemay tacaddiyada nolosha gudaheeda ka jira inaysan joogsi lahayn, sidaas darteed, ayaan u go’aansaday inaan sameeyo ficil nabdoon oo aan kaga hor imaanayo fadqalalooyinkaas oo ah inaan ka caaganaado qubeyska.”

 

Si kastaba, sannadkii 2000 markii uu dhaqangeliyay go’aankiisa, waxaa kaga lumay waxyaabo badan sida inuu isaga haray shaqadiisa warshadda kadibna uu cadaadis dhaqaale uu kala kulmay reerkiisa oo uu waayay wax uu ku masruufo. Taniyo markaas oo uu shaaciyay go’aankiisa, cidna ma shaqaaleysiisan – waana laga soo eryey shaqadiisa. Wuxuuna ilaa iyo maanta yahay shaqo la’aan.

Xaaskiisa ayaa dhimatay sannadkii 2003 mana doonin inuu qubeysto. Gu’yaal kaddib haddana waxaa geeriyooday inankiisa, mana kusoo dhicin haddana inuu jebiyo balankiisa qubeys la’aanta ah. Ram wuxuu wacad ku maray inaanu qubeysan ilaa wedku uga yimaado.

Laakiin ugu yaraan farriinta uu sido ee ah dhammeynta rabshadaha ka-dhanka ah haweenka, carruurta iyo xoolaha waxay ku baahday guud ahaanba dalka Hindiya. Warbaahinta gudaha oo booqday xaafaddiisa ayaa soo hubiyay jiritaanka sheekadiisa qubeys la’aanta ah.

La-yaabse malahan sheekadiisa haddii ay weli kaa degi la’dahay in qubeys la’aan la joogi karo muddo 20 sanno ah. Hubaal waxaadan weli maqal sheekada ninka ugu uskagga badan caalamka kaas oo aan jirkiisa taabsiinin wax biyo ah muddo 67 sanno ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Miisaaniyadda Golaha Wasiirrada Puntland oo sannadkan la kordhiyay lana ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Markab dagaal uu leeyahay dal Muslim ah oo ku xirtay deked ku taalla Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoorqoor oo War ka soo saaray ansixinta Guddiga doorashada Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---