Xukuumada Somalia ayaa shuruud ku xirtay iney mashaariic ka fuliso dowlad goboleedyada dalka iyo degaanada hoos yimaada.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dowladdu ay mashaariida horumarineed ka fulineyso goobaha dadka degan ay iska xureeyaan ururka Al-Shabaab.
“Al-Shabaab waxay dileen dadkii hoggaanka iyo haldoorka u ahaa dadka ku nool Gobolka Hiiraan, hase yeeshee hadda waxay heystaan fursad ay ugu aargudaan mas’uuliyiinii ay ka dileen” ayuu yiri
Fiqi ayaa inaasi kudaray in bulshada ku nool Gobolka Hiiraan & guud ahaan Soomaaliya looga baahan yahay inay tartan u galaan sidii dagaal looga qaadi lahaa Al-Shabaab, isla markaana dadkii degaanadooda ka saara dowladda Soomaaliya ay ka bilaabi doonto adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee daruuriga ah.