Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada DF oo kaabiga ku haya degaan muddo dheer gacanta ugu jiray Al-shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyada Macawisley oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Hiiraan & Wasiiro ayaa weli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada degaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa kaabiga u saaran saaka degaanka Ceel Cali oo 75-km Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne, halkaasoo sanado ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan qeybta 27aad ee ciidanka XDS ayaa sheegay in Al-Sabaab ay saaka isaga baxeen degaanka Ceel cali kadib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay degaanka Ceel cali u jiraan masaafo aad u yar waxaana dadka degaanka ay ku waramayaan in maanta howlgalka si weyn looga dareemay halkaas, ayna jirto xaalad kacsanaan ah.

Ciidamada dowlada iyo maleeshiyooyinka la socda ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgalo ka waday degaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaasoo Al-shabaab looga saaray degaano badan .

 

Related posts

Ciidamada Somaliland oo Duullaan dhoor jiho ah saakay ku qaaday Laascaanood iyo Dagaal…

Cabdi Cade

Cunaqabateyn saaran Al Shabaab oo mar kale la kordhinayo

Cabdi Cade

Bankiga Amal oo xafiis cusub ka furtay xaafada Sanca ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---