Xildhibaannadda golaha shacabka Soomaaliya ayaa doortay maanta Guddiga korjoogteynta dib u eegista Dastuurka Dalka.
Waxaa Shanta xubnood ee Golaha shacabka ku guuleytay xubnaha kala ah.
- Xil. Xuseen Qasim Yusuf Iidow
- Xil. Maxamed Heyle Axmed
- Xil. Yuusuf Cali Xoosh
- Xil. Maxamed yusuf Xasan Waliid
- Xil. Cabdullahi Carab.
Guddi ka kooban dhowr xildhibaan oo xaqiiq raadin u aaday xaalada Amni iyo mid nololeeed ee Gobolka Bokool ayaa warbixin looga dhageystay isla markaasina sheegay in Bulshada Gobolka Bokool ay wajahayaan Amni darro, Abaara ba’an iyo xaalad nololeed oo kala duwan.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa soo xiray Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waxaana uu sheegay intii ay socdeen kulamadii Kalfadhiga 1aad in Goluhu guteen Waajibkoodii saarnaa, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay fasax laba bilood ah galayaan islamarkaana Deegaan doorashadoodu dib ugu laabtaan