Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka hadlayey kulan xalay ka dhacay dalka Sweden ayaa sheegay in heyadaha dowladda Somalia ay madaxa iskula jiraan taasoo uu xusay inay ka dhalatay hogaan xumida madaxda sare ee dalka.
C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u naqdiya hab dhaqanka dowlada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayre ayaa sheegay in hogaanka dalka uu ku fashilmay inuu hagaajiyo wada shaqeynta heyadaha dowlada.
“Dowladu ma laha aragti ay shabaab kula dagaalanto, ma laha aragti ay ugu dulqaadato dadka ka ra’yi duwan, malaha aragti ay ku xoojiso dowladnimada, salkana ugu dhigto dimoqraadiyad, taasi waxay keentay in heyadaha dowlada ay hadda madaxa iskula jiraan, meel waxaa is heysta wasaarada gaadiidka iyo waaxda duulista, meel kale waxaa is heysta Wasiirka Maaliyada iyo Wasiir dowlihiisa, gudoomiyihii baarlamanka waa la raacdeeyey, taliye ku xigeenadii NISA shaqada ayaa laga joojiyey ka dibna xafiisyadoodii ayaa la jabsaday, heyadihii dowlada oo dhan dagaal ayey madaxa iskula jiraan sababtu waxay tahay dhaqanka lagu yimid ayaaba dagaalkaas ahaa” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa uu intaas ku daray in dowladu ay hadda wado qorshe ay dooneyso iney meesha kaga saarto Madaxweynaha Jubbaland, wuxuuna xusay in madaxda dowlada ay shaqo ka dhigteen iney xilka ka tuuraan qofkii ka soo horjeesta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com