Allbanaadir.com
NEWS

RW Xamza oo Beladweyne ku booqday ciidan loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe ayaa maanta soo kormeeray Xerada Ciidamada Xoogga dalka Lamagalaay ee Magaalada Beledweyne.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo sida ay u socdaan Howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Ciidanka faray in ay diyaar garoobaan xoojinta howlgalada ka dhan ah Al-shabaa ee ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisa lagu sheegay  u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada la dagaallamaya Al-shabaab

Related posts

Donald Trump oo ku dhaawaqay in uu ku guuleestay Doorashada xilli ay…

Cabdi Cade

Xassan Shiikh: “Marxuum Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo waaweyn”

Caydiid Ali

Daadad ka dhashay Roobab dabeylo watay oo dad badan ku laayey Yemen (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---