Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic maanta lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Tiro madaafiic ah ayaa lagu garaacay Xaruna Madaxtootada Soomaaliya oo kutaala Degmada Wardhiigley, waxaana madaafiicdaasi la sheegay in ay ku dhaceen xaafado ku dhaw dhaw Madaxtooyada.

Dadka degan xaafado ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ilaa sadex Madfac kusoo dhaceen Xaafada loo yaqaan 15-ka May oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wali lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay maadiifcan maanta lagu weeraray xarunta Madaxtooyada, sidoo kale lama oga in madaafiicda qaar ay gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dagaayahano katirsan Al Shabaab xarunta Madaxtooyada ku weerareen ilaa Sideed Madfac, mana sheegin Al Shabaab in madaafiicdaasi ay tuureen uu khasaaro ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Shaacisay in dileen in ka badan 70-askari oo katirsan Milatariga Soomaaliya

Cabdi Cade

Xildhibaanadii laga joojiyay fadhiga Golaha shacabka oo qaatay go’aan halis ah

Caydiid Ali

UK oo Shaaciyay sida ay ka yeelayaan Natenyahu haddii uu dalkooda yimaado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---