Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Habdhawre kuxigeenka koowaad iyo kan labaad ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha golaha shacabla Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dhawwaan soo magacaabay Habdhawre kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Habdhawre kuxigeenka labaad Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim.
Xildhibaanada golaha shacabka oo la horgeeyay labadan habdhoore uu soo magacaabay Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa ogolaatay 175-Xildhibaan, waxaa diiday labo xildhibaan halka ay ka aamuseen labo Xildhibaan oo kale.
Guddoonka golaha shacabka ayaana sheegay in labadan habdhoore ay ansax yihiin loogana fadhiyo in ay gutaan shaqada loo igmaday, waxaana labada habdhoore ee la meel mariyay la sheegay in lagu soo xulay karti iyo aqoon.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com