Allbanaadir.com
NEWS

Shir Muqdisho ugu soo xirmay DF & dowlad goboleedyada oo shan qodob laga soo saaray (Daawo Sawirro)

Kulanka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta  iyo dhammeystirka  habka mideynta canshuraha dalka ayaa Muqdisho laba maalmood uga socday, wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo Wasiirada Maaliyadda Gawlad Goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan waxyaabahii la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.

1-In madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan habsami usocodka hawlaha guddiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta Maamulka Maaliyada ee dalka.

2-In la mideeyo sharuucada caanshuraha  iyo siyaasadooda guud kaaso ka soo bilaabanaya golayaasha dowlad goballeedyada ka hor inta aan la horgeynin  golayaasha Dowladda waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed ee dowlad goballeedyada.

3-In shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha Augost dhexdeeda si looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.

4-In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha (Automation of Inland Revenue).

5-In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaasoo   noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad goboleedyada iyo Dawladda Federaalka.

Ku simaha guddoomiyaha Gobalka Benaadir ahna Gudomiyaha ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in ka gobol ahaan ay aad uu soo dhaweynayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam Maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaya kobac dhaqaale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle  ayaa shegaay iney  diyaar u yihiin dhammeystirka mideynta caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Sarkaal lala beegsaday

Caydiid Ali

Ciidanka Booliiska Somaliland oo Hrageysa ku qabtay Haween moobeelo soo dhacay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---