Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, halkaas uu ku sugnaan doono muddo labo maalin ah.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowladda federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda Puntland , waxa uuna halkaasi kulamo kula qaadan doonaa Madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Xasan Sheekh ayaa magaalada Garawe u tagay xalinta tabashooyin la sheegay in uu qabo Madaxweynaha Puntland oo kaalin weyn ku lahaa guushii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ugu soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiliga la galayo Imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Sagootiyay Danjire Olgan Bakar

Cabdi Cade

Ciidamada dowladda oo gudaha u galay Maxkamad iyo Xabsi Al Shabaab lahaayeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---