Allbanaadir.com
NEWS

Milatriga Soomaaliya oo Shaaciyay in ay dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sameeyay howlgalo ka dhan ah dagaalyahanada Al Shababa oo ku sugnaa tuulooyin hoostaga Janaale.

Taliyaha ururka 83-aad gaashaanle Nuurdiin Macalin Xuseen, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada howlgalo ka sameeyeen tuulooyinka Wagaade, Mushaani iyo  Kabtanlaay oo hoostaga Janaale.

Waxa uu sheegay taliyaha intii ciidamada howlgalka ku jireen ay iska hor yimaadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxa uuna xusay in ay dileen qaar badan oo kamid ah dagaalyahanada Al Shabaab kuwa kalana dhaawaceen.

Taliyaha ayaana sheegay in iyaga oo fulinaya amarka madaxweynaha Soomaaliya sii wadayaan howlgalada iyo dagaalada looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka.

Milatariga Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, waxaana hadda ciidamada dowladda iyo maleeshiyada hubeesan dagaal ka dhan ah Al Shabaab ka wadaan deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Xubin katirsanaa Jabhada Al Shabaab oo….

Cabdi Cade

Dugsiga Alshaadiri Quran Online oo Fursad u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Dowlad Afrikan ah oo xiriirka u jartay Ukraine kaddib markii…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---