Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Talyaha Ciidanka Xoogga iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeeray degaanka Bacda oo ka mid ah goobaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.
C/qaadir Maxamed Nuur oo fagaare ah kula hadlay Ciidanka macawisleyda degaanka oo kuwa Dowladda ka caawinaya dagaalka Al-shabaab ayaa ka digay in Ciidamada ay dib uga soo baxaan degaannada ay kala wareegeen Al-shabaab hadii aysan aheyn xeelad dagaal.
“Waxaad ogaataan Shabaab haddii ay dib ugu soo laabtaan deegaankan, waxay ka dhigan tahay iney si bilaasha ah nooga shahiideen dadkii naga dhintay, waa in aysan ku soo laaban oo degaannada kalena laga xorreeya” ayuu yiri Wasiirka.
Waxaa uu Ciidanka faray inay sii wadaan howlgallada, degaannada ay ku harsan yihiin Al-shabaab laga saaro.
Howgallo ay horkacayaan Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa Federaalka ayaa ka socda deegaano Gobolka Hiiraan hoos taga kuwaasoo Al-shabaab looga saaray meelo badan.