Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Itoobiya oo shaacisay dowladii soo dirtay dayuuradii la soo riday ee hubka u waday TPLF

Itoobiya ayaa sheegtay iney xalay soo rideen diyaarad hub u sidday fallaagada TPLF oo ka soo gudubtay xadka Suudaan iyo Itoobiya.

Madaxa waaxda howlgallada ee Wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya Sarreeya Guud Tefaye Ayalew ayaa sheegay in diyaaradda ay ciidamada cirka Itoobiya soo rideen ay ka timid dhanka Suudaan hawada Itoobiyana ay ka soo gashay aagga Humera ee ku dhow xadka.

Tefaye Ayalew ayaa hadalkan caawa u sheegay wakaaladda wararka ee Itoobiya ENA.

“Ciidamada difaaca dalka waxay wadaan howlgallo ay isku difaacayaan balse waxaa dhawaan billaabmi doono weerarro ka dhan ah fallaagada TPLF,” ayuu yiri S/Guud Tesfaye Ayalew.

La-taliyaha sare ee arrimaha Amniga ee ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in diyaaraddaasi ay lahaayeen cadow taariikhi ah oo Itoobiya leedahay inkastoo uusan magacaabin

Tesfaye waxaa kale uu sheegay in toddobaadyadii u dambeeyey ay ciidamada TPLF dagaal isku diyaarinayeen ugu dambeyntina ay soo qaadeen weerar saaka, wuxuuna xusay in cidamada Itoobiya ay u diyaar garoobeen ka hortaga weerarkaas.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili dhowaan Madaxda Sudan iyo Itoobiya oo ku kulmay Kenya ay ku heshiiyeen in laga shaqeeyo jawi nabadeed oo lagu dhameeyo khilaaf dhuleed ee ka taagan xadka labada dal.

Related posts

Diblomaasi Ruush ah oo ku dhaawacmay qarax loogu soo diray bashqad (Sawirro)

Caydiid Ali

Khamrigii ugu badnaa ee lagu qabtay dekeda Muqdisho oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddigii uu magacaabay Madaxweyne Xaaf oo soo saaray Habraaca Doorashada (Akhriso)

Cabdi Cade