Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoorqoor oo si War kulul ka soo saaray dilkii Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ka hadlay dilkii maanta loo geystay Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo ka tirsanaa waxgaradka Galmudug kaasoo maanta dabley hubeysan ay ku toogteen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qoorqoor oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook ayaa hadalkiisa ku bilaabay:-

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa reer Galmudug, uga tacsiyeenayaa geerida Allah u naxariistee, Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye, oo gacan ka xaq daran ay ku dishay magaalada Muqdisho.

Nabadoon Maxamed Nuur Diiriye ayaa waxuu kamid ahaa nabadoonada iyo ganacsatada waxtarka ulahaa Bulshada reer Galmudug.

Waxaan si gaar ah xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelka iyo qaraabada uu kabaxay Nabadoonka, waxaana Allaha Subxaanahu Watacaalaa uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka warabaaiyo marxuumka.

Ugu danbeyntii, waxaan  dadka soomaaliyeed ugu baaqaya in aan meel uga soo wada jeesano cadowga umadda Soomaaliyeed ee had iyo goor beegsanaya  haldoorka bulshada

Related posts

Saaxiibo isla cabi jiray Xashiishka kana tirsanaa Al Shabaab oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Shirkad ajnabi ah oo ku guuleysatay dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen

Caydiid Ali

Xildhibaanada la safan Guddoomiye Jawaari oo kulan xasaasi ku leh Villa Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---