Ciidamada Dawaldda oo gacan ka helaya maleeshiyooyinka macawisleyda ayaa Al-Shabaab kala wareegay maamulka dhowr tuulo oo galbeedka kaga aadan xarunta gobolka ee Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Tuulooyinka laga saaray Al-Shabaab waxaa ka mid ah Luuq Jeelow, Baar, Wardhabeelle iyo Raangaabo oo dhammaantood galbeed ka xiga Beledweyne.
Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Kheyre oo hadda ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aan dib looga soo laaban doonin deegaannada Al-Shabaab laga saaray.
Ciidamada dowlada iyo maleeshiyooyinka macawisleyda oo mudooyinkanba howlgalo ka waday gobolka Hiiraan ayaa degaano badan kala wareegay Al-shabaab.
Madaxda sare ee Hirshabelle, Wasiirka gaashaandhiga DF, taliyaha ciidanka Xoogga dalka ayaa ku sugan gobolka Hiiraan, iyagoo sheegay iney halkaas u tageen dhiirigelinta iyo garab istaaga ciidanka dagaalka kula jira Al-Shabaab.