Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo shaacisay iney soo riday dayuurad hub ka dejineysay Magaalada Makelle

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay iney soo riday diyaarad hub ka dejineysay caasimadda Tigray ee Mekelle.

La-taliyaha sare ee arrimaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa sheegay in dayuuraddaasi ay lahaayeen ‘cadowga taariikhiga ah ee Itoobiya inkastoo la tailyuhu uusan magacaabin cida uu u la jeedo.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Itoobiya, Maamulka tigrayna weli kama eysan hadlin.

Hadalkan ayaa soo baxay saacado ka dib markii Ciidamada Tigray ee Waqooyiga Itoobiya iyo Ciidamo daacad u ah dowladda dhexe ay ku dagaalameen saaka agagaarka magaalada Kobo.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Ciidanka taliska Abiy ayaa duullaan ku qaaday fariisimaha aan ku leenahay jiidda Koonfureed”

Warbaahinta Tigray oo ah ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya oo ay weheliyaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka Axmaarada inay bilaabeen weerar ballaaran abbaaro 5:00 subaxnimo ee saaka

“Waxaan maqlayaa dhawaqa hubka culus oo saaka bilowday,” ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda degaanka Kobo oo magaciisa ka gaabsaday, isagoo intaas sii raaciyay “Toddobaadkii hore, waxaan arkay ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyada Fano oo bas ku sii socda jiida hore.”

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka milatariga Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha Billene Seyoum ayaan ka gaabsaday inay inay warkan faahfaahin ka bixiyaan.

Dagaalkan ayaa soo afjaraya xabbad-joojintii la wada sugayey tan iyo bishii March, waxaana uu dhabarjab weyn ku noqonayaa isku daygii lagu doonayey in lagu bilaabo wadahadallo nabadeed oo u dhexeeya xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray.

 

Related posts

29 Xildhibaan oo diiday ka qeyb galka Firdhiye ee Shirka Golaha wadatashiga

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulankii Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---