Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuc biyo mareen isku xiraya Ceel-Qalow iyo Badda oo maanta la dhagax dhigay (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka ee isku xiri doona wadada Ceel Qaloow ilaa Bada iyo sidoo kale dib u hagaajinta Warta Ceel Qaloow.

Mashruucan uu maanta dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa ah mid ay baahi weyn ay u qabeen bulshada Degan Degmada Wadajir oo horey isticmaalka Waddada Buula Xubeey dhibaato ugu qabay.

Wadada isku xirta xaafada Ceelqalow iyo Buulo Xuubey ayaa dhibaato badan waxaa ku haya biyaja roobka oo fadhiista, waxaana xilliyada roobka da’aan jidkaasi fadhiista biyo badan oo jara marista wadadaasi.

Munaasabada Dhagax dhiga ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) Bulshada Degaanka iyo maamulka degmada Wadajir.

Related posts

Gacan ka hadal ka dhacay kulankii BF iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo loo diiday in uu..

Cabdi Cade

Ciidamada Booliiska oo magaalada Muqdisho ku qabtay Eedeesane fakad ahaa

Cabdi Cade

Dal kuyaalla Yurub oo mamnuucaya in in fasallada lagu dhex isticmaalo telefoonnada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---