Allbanaadir.com
NEWS

Isbar-bardhigga Soomaaliya iyo Dalalka ku Mideysan Bulshada Bariga Afrika ee Dhinaca Dhaqaalaha iyo Awoodda

1967-kii, ayaa la aasaasay Ururkii ugu horreeyay ee Bulshada Bariga Afrika. Saddexda dal ee kala ah Kenya, Tanzania iyo Uganda ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan dhinacyo badan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada ah laakiin hishiiska ayaa si kastaba ha ahaatee burburay 1977-kii.

Waxaa heshiiska aasaaska Bulshada Bariga Afrika (EAC) dib loo saxiixay November 1999 waxaana saxiixay dowladaha Kenya, Tanzania iyo Uganda. Heshiiska, oo dhaqan galay bishii Juun 2000, ayaa ujeeddadiisu ahay geeddi-socod is-dhex-gal dhammaystiran oo ka kooban dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Dhammaan saddexda waddan waxay u arkaayeen in is-dhexgalka gobolka uu yahay qorshe lagama maarmaan u ah istiraatijiyaddooda horumarineed isla markaasna kaalin muhiim ah ka ciyaaraya kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga dhaxdooda ah. Rwanda iyo Burundi, ayaa ku biiray ururka 2007dii. South Sudan waxa ayaa xubin buuxda ka noqotay Bulshada Bariga Afrika sanadkii 2016, ugu dambeyntiina Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa sanadkan 2022-ka ku biirtay ururka bulshada Bariga Afrika, iyadoona noqotay waddankii 7aad.

Dawladaha xubnaha ka ah daladaan waxa ay ka shaqeynayaan in ay dhaxdooda ka hirgeliyaan si waafaqsan hishiiska lagu aasaasay; Mideynta Kastamyada(Customs Union), abuurista Suuq-wadaag ah(Common Market), ka dibna sameynta midow lacageed (Monetary Union) ugu dambayntiina loogudbo  Siyaasadad mideysan(Political Federation).

Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada Bariga Afrika, balse ilaa hadda ma cadda waxa laga faa’idi karo mustaqbalka dhow iyo kan fog marka laga reebo rajada madaxda Soomaaliya ay ka muujinayaan in ay shacabka Soomaalida ay jaanis u helayaan tegitaanka dalalkaas viso la`aan lkn waxaad moodaa in aan la iska wareysan waxa ay Soomaaliya kusoo kordhin karto ama ay ka faa`idi karto ahdaafta afarta(4) ah ee aan kor kusoo xusanay una degsan Bulshada Bariga Afrika(EAC). Qoromadaan waxa aan ku eegi donaa “Isbar-bardhigga Soomaaliya iyo dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika ee dhinaca dhaqaalaha iyo awoodda tartanka``

Dhanka wax-soosarka ee Dalalka Bariga Afrika(EAC) iyo Soomaaliya

Years Somalia(GDP) Burundi (GDP)

 

Uganda(GDP)

 

South Sudan(GDP)
2017 5,609,000,000 2,712,324,087 30,744,473,912 3,029,921,940
2018 5,850,677,296 2,660,123,624 32,927,025,573 3,941,454,308
2019 6,476,674,592 2,581,268,126 35,353,060,634 4,079,707,643
2020 6,965,285,325 2,780,510,625 37,600,368,181 3,393,938,633
2021 7,292,721,820 2,902,029,386 40,434,701,517 3,380,268,969
Time Kenya(GDP)

 

Tanzania (GDP )

 

Rwanda(GDP)

 

Congo, Dem. Rep. (GDP)

 

2017 82,035,800,868 53,320,625,959 9,252,834,120 38,019,265,626
2018 92,202,956,321 57,003,713,611 9,642,440,646 47,568,210,068
2019 100,379,713,697 61,136,873,692 10,356,327,149 51,775,830,726
2020 100,666,542,666 62,409,709,111 10,184,345,442 48,716,960,860
2021 110,347,079,517 67,775,101,794 11,070,356,519 53,958,573,693
Waxsoosarka guud ee bulshada bariga afrika (EAC) wakhti xadirkaan  waa =   289,868,111,396

Hadii ay Soomaaliya kamid ahaan laheyd waxsoosrka guud waxa uu ahaan laha = 297,160,833,216

Soomaaliya % imisa ayey ka noqon kari laheyd hadii ay ku jiri laheyd daladaan   7,292,721,820/297,160,833,216 = 0.024541329 oo u dhiganta %2

Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`ka World Bank

Marka aad eegto wax soo saarka dalalka  ku mideysan bulshada Bariga Afrika(EAC), sida shaxda kore ka muuqata, dalka ugu wax soo saarka badan waa Kenya, oo 2021-kii soo saaray wax-soo-saar ku kacaya $110.3 bilyan, waxaa ku xiga dalka Tanzania oo wax-soo-saarkiisu ahaa $67.7 Bilyan. Koonfurta Suudaan ($3.3Billion) iyo Burundi ($2.9Billion) ayaa ah kuwa ugu hooseeya xagga waxsoosaarka, iyadoo wadarta wax-soosarkoodu uu ya haay $6Billion. Soomaaliya oo hadda u sharaxan  in ay ka mid noqoto bulshada Bariga Afrika(EAC), wax-soo-saarkeeda 2021 wuxuu ahaa 7.2 Bilyan oo doollar, waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay dhanka wax-soo-saar ka badan tahay labada waddan ee Burundi iyo Koonfurta Suudaan oo hadda ka tirsan Bulshada Bariga Afrika(EAC). Haddaba, haddii la dedejiyo in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Afrika, waxay noqonaysaa dalka 6-aad ee ugu wax soo saarka badan dalalka Bariga Afrika (EAC), Halka waxsoosaarka guud ee dalada ka noqoneyso 2%, taas oo Soomaaliya ka dhigaysa in aysan wax muuqda kusoo kordhin karin suuqa ganacsiga ee Bariga Afrika mustaqbalka dhaw isla markaasna aysan noqon karin xubin aad loogu xisaabtama karo dhanka dhaqaalaha.

SIDA LOOGU KALA AWOOD BADANYAHAY WAXSOOSARKA GUUD EE BULSHADA BARIGA AFRIKA

Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`ka World Bank

 Kenya ayaa ah dalka ugu wax soosaarka badan iyadoo wax soosarka guud ee Bulshada Bariga Afrika ka ah 38% , waxaa soo xiga Tanzania oo 23% ka ah  halka Burundi iyo South Sudan ay wax soosarka guud ka yihiin 2%.

 SİDA LOO KALA SHACAB BADANYAHAY

Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`ka World Bank

 

Haddii Soomaaliya ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, waxay noqon doontaa dalka 5-aad ee ugu dadka badan dalalka xubnaha ka ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay boqolkiiba 5% ka noqondoonan guud ahaan shacabka Bulshada Bariga Afrika. Dhanka kale waxa ay Soomaaliya albaabadeeda u furi doontaa dad gaaraya 292,898,982 oo ah shacabka Bulshada Bariga Afrika iyadoo la ogyahay in waqti xaadirkaan aysan Soomaaliya amni ahaan iyo dhaqaalo ahaanba aysan ahayn mid xasilan.

 

GANACSIGA DIBADA KALA DHAXEEYO BULSHADA BARIGA AFRIKA (EAC) IYO SOOMAALIYA

Country Somalia Burundi

 

Uganda

 

South Sudan
Export(2021) 1,305,273,950

 

145,109,997

 

6,342,558,847

 

N/A
Import(2021) 6,370,044,470

 

691,215,997

 

10,646,655,942

 

N/A
Trade Balance(2021) -5,064,770,520

 

-546,106,000

 

-4,304,097,095

 

N/A
Country Kenya

 

Tanzania

 

Rwanda

 

Congo, Dem. Rep.

 

Export(2021) 11,662,731,889

 

9,712,766,572

 

2,110,469,007

 

21,651,289,631

 

Import(2021) 22,179,806,764

 

11,557,280,891

 

3,851,166,792 21,234,909,902

 

Trade Balance(2021) 10,517,074,875 -1,844,514,319

 

-1,740,697,785

 

416,379,729

 

Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`yada World Bank iyo Tradıng Economıcs

Wadamada ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika marka laga reebo Kongo, waxa ay ku jiraan qabyo ganacsi dibadda ah  oo dhan $18.9 Bilyan, taas oo ka dhigan in wax-soosaarkooda gudaha uu aad u hooseeyo, wax-dhoofintooduna ay aad u hooseeyo, isla markaana ay aad ugu tiirsanyihiin wadamada dibada. Sidoo kale, Soomaaliya waa dal ku tiirsan badeecadaha iyo adeegyada ay caalamka ka keensato, taasoo qiimiheedu yahay 6.3 Bilyan oo doollar sannadkii, iyadoo badeecadaha iyo adeegyada ay u dhoofiso caalamka qiimo ahaan tahay  1.3 bilyan doollar sannadkii, qabyada ganacsiga dibaddana aytahay $5 Bilyan waqti xaadirkaan, taasi waxa ay  cadeynaysa in bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale ee ku nool wadamada ay ka kooban tahay bulshada Bariga Afrika ay yihiin bulsho isticmaal(Consumer society) oo aan ahayn bulsho wax soo saar. Suaasha la isweydiinayo waxa ay tahay dal aan wax soosar sidaas u buuran laheyn bulshadiisana ay ku tiirsantahay badeecada iyo adeega ay dibada kala imadaan muxuu badeeco iyo adeeg ah oo uu geyn karaa suuqa ka dhaxeeya Bulshada Bariga Afrika hadii uu ku biro xiligaan?

 

ASAASAYAASHA BULSHADA BARİGA AFRİKA (EAC) İYO SOMAALİYA XİRİİRKA GANACSİ EE KA DHAXEEYA.

 

Halkaan waxaan ku eegaynaa xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo 3-da wadan ee asaasayaasha u ah Bulshada Bariga Afrika (EAC)., isla markaana Soomaaliya ay ganacsiga ugu badan la leedahay.

SOOMAALÄ°YA Ä°YO KENYA

Years

 

Somalia Imports from Kenya Somalia Exports to Kenya

 

Trade Volume Trade Deficit
2010 164,706,929 245,161 164,952,090 -164,461,768
2013 170,044,818 3,410,931 173,455,749 -166,633,887
2015 154,623,268 292,193 154,915,461 -154,331,075
2016 176,741,045 520,707 177,261,752 -176,220,338
2017 190,199,146 910,893 191,110,039 -189,288,253
2018 148,794,903 8,647,315 157,442,218 -140,147,588
2019 116,031,735 4,329,133 120,360,868 -111,702,602
2020 106,921,510 506,982 107,428,492 -106,414,528
2021 122,526,044 895,104 123,421,148 -121,630,940

         Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`ka  Tradıng Economıcs

Xajmiga ganacsiga ee ka dhaxeeya labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay (2021) waxa uu ahay $123Miylan, xajmiga ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal sanadihii u dambeeyay hoos ayuu usii dhacayay sababtuna waxa ay tahay badeecada ugu badan ay kala iibsadaan labada dal waa badeecada Qaadka, taas oo marwalba u nugul go`aanada siyaasadeed ee kasoo bixi kara madaxda labada dal.

Waxaa xusid mudan in ganacsiga labada dal uusan cadaalad aheynin ee uu yahay mid ay ku faa`ido Kenya. Kenya ganacsiga ay laleedahay Soomaaliya sanadkii waxa ay ka faa`idaa lacag gaareysa $122.5 Milyan, halka ay Soomaaliya ay ka faa`ido ganacsiga kala dhaxeeya Kenya sanadkii wax kayar 1 Milyan oo ah $895K keliya, sidaas darteed qabyada ganacsi ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya waa ($-121.6Milyan)

Hadii ay Soomaaliya kubiirto Bulshada Bariga Afrika, Kenya Suuqa qaadka ee uga furan Soomaaliya waxa uu noqon donaa mid xasilan oo aan xirmin waayo waxaa yaraanaya go`aanada siyaasinta Soomaalida ee lidka ku ah Qaadka kenya, sidaas oo kale ganacsatada Qaadka Kenya waxa ay heli doonaan canshuur ka jaban tan hada laga qaado madama lamideynayo Kastamyada Canshuuraha Bulshada alalka Bariga afrika.

Hadii aysan Soomaaliya mustaqbalka dhow aysan la imaanin waxsoosar ay kula tartanto Kenya waxaa sii socondoonaa ganacsiga faa`idadiisa ay halka  dhinac ujanjeerto.

 

SOOMAALÄ°YA Ä°YO TANZANÄ°A

 

Years

 

Somalia Export to Tanzania

 

Somali Import from Tanzania

 

Trade Volume Trade Deficit
2010 32,597 8573560 8,606,157 -8,540,963
2012 6,516 585987 592,503 -579,471
2014 52,153 2793550 2,845,703 -2,741,397
2015 426,169 388597 814,766 37,572
2017 5 746761 746,766 -746,756
2018 1 1187726 1,187,727 -1,187,725
2020 1,640 1573079 1,574,719 -1,571,439
2021 2,563 558452 561,015 -555,889

Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`ka  Tradıng Economıcs

Ganacsiga Soomaaliya kala dhaxeeyo Tanzania waxa uu ahaa mid aad hoos ugu dhacayay 11`kii sano ee la soo dhaafay.

Ganacsiga labadal ka dhaxeeya xajmigiisu waxa uu ahaa 2010`kii $8.5Milyan halka sanadkii la soo dhaafay 2021 uu noqday  $561K, sidaas aytahay hadana ganacsigaas aadka u yar waxaa ku faa`ido Sareeya Tanzania. Qabyada ganacsi ee Soomaaliya kala dhaxeysa Tanzania waa ($-555K).

SOOMAALÄ°YA Ä°YO UGANDA

 

Years

 

Somali Import from Uganda

 

Somalia Export to Somalia Uganda

 

Trade Volume Trade Deficit
2010 3,720,461 139 3,720,600 -3,720,322
2011 5,136,720 30 5,136,750 -5,136,690
2012 13,709,685 298,355 14,008,040 -13,411,330
2013 7,779,674 15,853 7,795,527 -7,763,821
2014 4,475,103 3,942 4,479,045 -4,471,161
2015 2,255,422 497,419 2,752,841 -1,758,003
2016 2,792,739 671,145 3,463,884 -2,121,594
2017 1,484,181 228,891 1,713,072 -1,255,290
2018 1,240,607 265,369 1,505,976 -975,238
2019 556,375 784,905 1,341,280 228,530
2020 675,677 76,474 752,151 -599,203

Xogta waxaa laga soo aruuriyay database`ka  Tradıng Economıcs

Sidaas oo kale waxa si xoli ah hoos ugu dhacayay  Sanadihii Lasoo dhaafay Xiirka ganacsi ee ka dhaxeeya Uganda iyo Soomaaliya, halka xajmiga ganacsi ee labada dal uu ka`ahaa sanadkii 2010`ki  $3.7Milyan, 2020ki waxa uu noqday $752K sanadkii lasoo dhaafay ee 2021 wax macluumaad ah lagama helin.

Hasayeeshee sida shaxda kore ka muuqata waxaa ganacsiga labada dal ku faa`iday xajmigiisa haba iska yaraadee waa Uganda. Waxaana Soomaaliya Uganda kala dhaxeysay sandkii 2020`ka qabyo ganacsi oo gaareysa (-$599k).

Dowladaha kale ee katirsan Bulshada Bariga Afrika sida Burundi, South Sudan, Rwanda iyo Congo xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya Soomaaliya waa mid aad iyo aad u hooseeya weliba dowladaha qaar ganacsi kalama dhaxeeyo Soomaaliya ayaa la dhihi karaa marka lafiiriyo xogaha ganacsi ee diiwaan gashan.

 

Gunaanad

Soomaaliya waa dal 30`ki Sano  ee lasoo dhaafay la daalaa dhacayay daruufo adag oo dhan walba leh, waa dal kaabayaashiisi dhaqaale ay burbureen, waa dal adeegyada yar oo ay dowladiisu bixiso miisniyada ku baxdaa ay beesha caalamku bixiso %60 ku dhawaad,

Waa dal wax soosaarkiisa sanadka dhan uu yahay $7Bilyan, sidaas oo kalana sanadkii isticmaala badeeco iyo adeeg uu kasoo dhoosaday aduunyada in teeda kale  iyadoona wax-soodhoofintaas (Import) sanadkii lagu qiyaaso $6Bilyan taas oo la micno ah in waxsoo dhoofinta (Import) Soomaaliya ay udhiganto GDP`ga dalka %87,hadii si kale loo dhahana $7Bilyan oo ay Soomaaliya soosaarto sanadkii $6Bilyan oo kamid ah dibada ayey uga soo adeegataa si ay Sanadkaas muwaadiniinta noloshooda usii wataan, taas waxa ay cadeyneysaa in Soomaaliya ay tahay dal dawladeeda iyo shacabkeeduba  nolol maalmeedkooda la daalaadhacayaan. Dhanka kale Soomaaliya dunida kale waxa ay u dhoofisaa (Export) in la eg $1,3Bilyan. Taas oo muujineysa in Soomaaliya wax soosarka gudaha uu yahay mid % 95 aad u hooseeya.

Hadaba in ay Soomaaliya ku biirto Bulshada Bariga Afrika(EAC) iyadoo xaladaas wax-soosar la`aanta iyo faqriga ah ku jirto, hadana aysanba weli usoo jeedin hormarin dhaqaale iyo mid bulsho maadama ay weli ku mashquulsantahay xasilinta amniga ma tahay arin lagu degdego? Sidaas oo ay tahay hadii ay Soomaaliya dhawaanahaan ku biirto daladaan; wax soosarka guud ee bulshada bariga afrika waxa ay ka noqon kartaa %2, shacab ahaan waxa ay ka noqon kartaa  %5 sidaas darteed kaalin muuqata maku yeelan kartaa go`aanada Bulshada Bariga Afrika?

Hadii ay kusoo jabaan dalkeeda malaayin shacab ah oo dallakaas ka imaaday oo shaqo doon ah, iyadoo xaladaan amni xumo ku jirta maxameyn kartaa dadkaas dhibaatada uga imaan karta?

Sidaas oo kale majiraa xeerki lagu maamulayay ajaanibta shaqa doonka ah si loo kala ilaaliyo iyaga iyo muwaadinninta dalkooda ka shaqeysta?

Hadii ay Soomaaliya iyadoo xladeeda sidaan ah ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika(EAC) waxa ay u faa`ideysay dalalka ku mideysan Bulshadaan  oo ay ugu horeyso Kenya oo suuqa Soomaaliya Sanadkii ka faa`ida lacag gaareysa $122.5 Milyan, Kenya waxaa ka yaraanaya cabsidi ay ka qabtay in ay Siyaasinta Soomaalida ah soo saaran go`aano lid ku ah ganacsigeeda Qaadka , sidaas oo kale waxa ay Suuqa Soomaaliya ka heli doontaa Canshuur dhaaf.

Hadaba talo ahaan; inta aysan Soomaaliya ka mid noqon bulshadan, waa in ay kordhisaa awoodeeda dhaqaale oo ay marka hore hirgeliso jawi nabadeed oo ku dhisan siyaasad degan oo hormuud u noqon karta hirgelinta hormar dhaqaale, waa in ay horumarisaa wax soo saarka gudaha iyo in ay raadiso dhaqaale dib loogu yagleelo warshadihii wax soo saarka ee ku burburay dagaalladii sokeeye.  Nidaamyada waxbarashada waa in dib loo habeeyaa lana balaadhiyaa si loo soo saaro jiil aqoon leh oo ka qeyb qaadan karo kabcinta wax-soosarka dalka. Laakin labada tallaabo ee ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka caawin kara in ay gaarto kobac dhaqaale oo la taaban karo mustaqbalka dhow iyo kan fog intaba waa in mudnaanta la siiyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

……….Dhamaad (The End)………

 

N.B: Xogta aan ku isticmaalay Qoromadaan waxaan ka soo aruuriyay Database`yada World Bank, Trading Economics iyo world integrated trade solution.

W/Q: Dr. Saadaq Mohamud Hassan ( PhD Economics)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday Masjid ay ka socotay Salaad Janaaso

Caydiid Ali

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Jaamacadda Jamhuuriya oo bilowday todobaadka Jiheynta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---