Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Aroosad habeenkii koobaad ee aqal galkeeda xabsi la dhigay iyo askartii xirtay oo la heesto

Warbaahinta dalkla Uganda ayaa si weyn u hadal heysa sheekada haweeney aroosad aheed oo habeenkii koobaad ee aqal galkeeda xabsiga la dhigay, waxaana haweeneydan la xiray ku hoyatay saldhiga habeenkii ay fileesay in ay noqon doonto middii ugu farxada badneed.

Ciidamada booliiska ayaa xiray haweeneyda aroosadda aheyd oo lagu eedeeyay in ay xatooyo ku kacday, waxaana habeenkii aqalgalkeeda markii la geeyay saldhiga la amray in la xiro kuna hoyoto habeenkaasi saldhiga badalka ay la jiifan laheyd ninkeeda cusub.

Dhacdadan ayaana habeenkii sabtida ka dhacday saldhigga booliiska ee galbeedka magaalada Mbarara ee dalka Uganda, waxaana hadda lagu dhegan yahay askartii ka dambeesay xariga aroosadda.

Taliska booliiska dalka Uganda ayaa amray in baaris lagu sameeyo afar sargaal oo katirsan booliiska oo ku lug lahaa xariga aroosadda, waxaana saraakiishan lagu eedeeyay in ay ku kaceen fal aan wanaagsaneyn.

Haweeneydii aroosadda ayaa xabsiga laga siidayay maalintii axad iyada oon wax dambi ah lagu helin, waxaana arrintan aad uga argagaxy qoyska haweeneyda la xiray iyo sidoo kale qoyska ninka la aqal galayay haweeneyda la xiray.

Afhayeen u hadlay booliiska oo lagu magacaabo Fred Enanga ayaa sheegay in mid ka mid ah afarta askari uu xabsiga ku jiro halka saddexda kalena ay weli dhuumanayaan, waxa uu xusay in askartan burburiyeen habeenkii ugu farxada badneed gabadha aroosadda.

Ciidamada booliiska ayaana hadda baaris kuwada kiiskan ka dhacay magaalada Mbarara , waxa ay sidoo kale booliiska baadigoob ugu jiray askarta kale ee kiiskan ku lugta leh ee baxsadka ku jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliis Sabab u noqday geerida haweeney 95-sanno jir aheyd iyo qeylo dhaan ka dhalatay

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo gaaray Irdaha Isbitaalka Al-Shifa & dhaqaatiirta oo diiday amar la siiyey

Caydiid Ali

Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay xubno katirsan kooxda Daacish

Cabdi Cade
Taboola Ads ---