Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Carbeed oo ballanqaaday in gargaar u fidineyso dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotelka Xayaat

Weerarkii Al Shabaab dhawwaan ku qaadeen hotelka Xayaat ayaa waxaa ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada oo culus wali yaalaan isbitaalo kuyaalla Muqdisho.

Dowladda Qatar oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareesay weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday hotelka Xayaat, waxa ayna madaxda dalkaasi tacsi usoo direen madaxweynaha Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Xamad, oo telfoon kula soo xiriiray madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarka hotelka Xayaat, waxa uuna ballanqaaday in ay gargaar caafimaad u fidinayaan dadka dhaawacyada culus qaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahadceliyay amiirka dalka Qatar garab istaaga uu u sameeyay iyo gurmadka caafimaad ay u fidinayaan dadka qaba dhaawacyada culus ee yaalla isbitaalada.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya dalka dibadiisa u qaadeyso qaar kamid ah dadka dhaawacyada culus uu kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdikariin Guuleed oo Eedeymo ka difaacay Ra’isul Wasaare Rooble amaana u jeediyay

Cabdi Cade

Duq Magaalo iyo dad kale oo badan oo loo xiray Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga

Cabdi Cade

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---