Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsan dowladda Soomaaliya oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo xalay guddoomiyay shir looga hadlayay amniga guud ee dalka.

Cali Yare oo ah nin si weyn u taageera Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa hadda katirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh uu u qaabilsan yahay Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir kuna qaataa gobolka Banaadir.

Waxa uu Cali Yare bartiisa bulshada ku baahiyay qoraal uu kusoo bandhigayo qaladaad ku jiray hadal uu xalay madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay shirka amniga looga hadlayay ee ka dhacay Madaxtooyada.

Dowladii Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xusid mudan in uusan kasii mid ahaan jirin qof looga shakiyo in mucaarad ku yahay madaxweynaha ama taageera mucaaradka, hasa ahaatee waxaa hadda muuqata in Madaxweyne Xasan ka dulqaad badan yahay Farmaajo.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Cali Yare ku weeraray Madaxweyne Xasan

QALADAADKA WACDIGII EE MADAXWEYNUHU JEEDIYAY

1. TAN UGU DARAN; Madaxweynuhu wax tacsi ah kama dirin Ummaddii Cadowgu ku xasuuqay Hotel Xayaat iyo ganacsatadii hantidooda cadowgu weeraray intii u badbaadayna lagu dumay amarka dowladda

2. Madaxweynuhu wuu wacdiyay bulshada waxqabadse ma sheegin

3. Madaxweynuhu wuxuu bulshada la horyimid been cad wuxuuna isku dayay inuu bulshada Maxaas, Teedaan iyo Matabaan kula
daarto dagaalka aanu wax shaqo ah ku laheyn oo qabaa’ilka is abaabulay ay Alshabab galeen kagana adkaadeen.

4. Madaxweynuhu waa diiday inuu bulshada la wadaago amaradii qaldanaa ee lagu burburuyay Hotel Xayaat

5. Madaxweynuhu isaga oo Masaajidkii Madaxtooyada Amni darro uga baaqday ayuu markale dagaal aanu u diyaargaroobin ku dhawaaqay

6. Madaxweynuhu markii uu Baagamuundannimadada ahaa wuxuu Madaxweynaha ku eedeyn jiray in aanu Muuqaal soo duubi doonin ee uu si toos bulshada u hor-imaan doono mase dhicin ee wuxuu Caawa soo fasaxay muuqaal laga duubay isaga wacdiga loo soo diyaariyay ka aqrinaya (Teleprompter) hortiisa yaallo.

7. Intaas oo dhan waxay ku soo aaday Caawa ay oo Madaxweynaha u buuxsantay 100-kii Maalmood oo uu qabsaday inuu Shabaab dalka ka xorreynayo iyada oo taas badalkeeda uu Madaxweynuhu arrimo amni uga baaqsaday Masaajidka Madaxtooyada ku dhex yaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha QM & Safaarada Mareykanka oo dhiig ugu deeqay dhaawacyada Soobe (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Siciid Deni oo furay shirweynaha Arrimaha diinta ee Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Tartan dad badan ka yaabiyay oo loo qabtay Haweenka Sacuudiga (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---