Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Britain ay faragelisay doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya?

Britain ayaa beenisay eedeymaha sheegaya iney faragelin ku sameeysay doorashadii guud ee ka dhacday Kenya.

Wakiilka sare ee dalka Britain u fadhisa Kenya Ms Jane Marriott oo ka jawaabeysay eedaymo la isla dhexmarayey baraha bulshada oo sheegayay inay cadaadis ku saartay guddiga doorashada inay ku dhawaaqaan William Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay.

Shakiga jira ayaa soo kordhay markii baraha bulshada lagu baahiyey sawirromuujinaya Ms Marriott oo gacanta ku salaamaysa Mr Ruto iyo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati.

UK malaha aragti gaar ah oo ku aadan murashaxiinta ama xisbiyada. hoggaamiyaha ay dadka Kenya dooranayaan waa arrin u taalla shacabka Kenya. Waxaan la kulannay dad ka kala socda dhinacyada siyaasadda si aan u sharaxno barnaamijyada UK iyo iskaashiga ay la leeyihiin Kenya, oo ay ku jiraan hay’adaha madaxa bannaan,” ayey ku tiri Qoraalo taxane ah oo ay soo dhigtay barteeda twitter-ka.

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay Xadka B/xaawo & Mandhera

Caydiid Ali

Ninkii ka Dambeeyay weerarkii lagu dhaawacay Salman Rushdie oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay kulan safiirka cusub ee Nederlands u fadhiya Soomaaliya uu la yeeshay hormuudka jaaliyadda Soomaalida.? [Sawirro]

admin
Taboola Ads ---