Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xabsiyo kala duwan ku xukuntay 15 qof oo lagu helay inay gaysteen fal dambiyeed kala duwan oo la xiriira Al-shabaabnimo sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Baydhabo
Dadka la xukumay ayaa iskugu jira rag yo dumar. Mid ka mid ah ayaa lagu xukumay 15 sano kadib markii lagu helay inuu gaysanayey weerar uu doonayey inuu u adeegsado bambo hase yeeshee ay ciidanku qabteen intii aan weerarku dhicin, sida ay maxkamaddu sheegtay.
Lix qof ayaa iyagana lagu xukumay min 10 sano, halka siddeed kale lagu xukumay min 5 sano oo xarig ah.
Siddeedda qof ee lagu xukumay min shan sano waxaa ku jira saddex dumar ah oo midkood oo camoole ah xabsigeeda aan lagu fulinayn, hase yeeshee ay ciidamada amnigu dusha kala socon doonaan dhaqdhaqaaeeda.
Go’aamadan ayaa maanta maxkamadda milatariga ah ay kaga dhowaaqday magaalada Baydhaba dhagaysi halkaasi ka dhacay.
Qareennada u doodayey dadkaasi lagu helay dambiyada ayaa ku dooday intii maxkamaddu socotay in duruufi u gaysay falalka lagu soo eedeeyey, qaarkoodna ay ka hareen fikirka, iyagoo ku dooday in la sii daayo.