14 dhalinayaro Soomaaliyeed ah oo shalay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibya soo ambabixisay ayaa saakay soo gaaray garoonka Aaden Cabdulle ee Muqdisho.
Dhalinyaradaan ayaa muddo badan burcada Magafeyaasha loo yaqaano ugu xernaa xabsiyo macmal ah oo ku yaalla dalka Liibya, kuwaasoo qabsaday xili dhalinyaradan ay doonayeen iney tahriib ku galaan Yurub.
Waxaa soo celintooda iska kaashaday Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee DS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Libya.
Dhalinyaradan ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ku soo laabashada dalkooda hooyo oo ay sheegeen ineysan jirin wax uga wanaagsan.
Waxay ka sheekeeyeen dhibaatooyinkii adkaa ee loogu geystay xabsiyada ay dalka Liibiya ku leeyihiin kooxaha Magafeyaasha ah, waxayna u mahad celiyeen dowlada Somalia oo u fududeysay iney ku soo laabtaan dalkooda hooyo,iyagoo nabad qaba.