Daraasad cusub oo soo baxday ayaa sheegtay inuu xiriir ka dhaxeeyo kansarka naasaha ku dhaca iyo kiimikooyin ku jira waxyaalaha la isku qurxiyo ee jirka loo isticmaalo iyo xitaa qeybo ka mid ah shaanbooyin ka iyo saabuunaha.
Cilmi-baaristan oo lagu daabacay wargeyska Daily Record ee ka soo baxa dalka Scotland ayaa soo jeedinaysa in Kiimikooyinka ku jira dawooyinkan laga helo maadooyin caawin kara fursadaha uu qofku ku qaadi karo kansarka naasaha
Xarumo cilmi baaris oo kala duwan oo ku yaal Mareykanka ayaa ogaaday in kiimikooyinkaan ay waxyeelo u geysan karaan dumarka qaan-gaarnimada iyo xilliga uurka.
Daraasadu waxay baartay kiimikooyin badan oo dadku la isticmaalaan maalin kasta iyo sida ay ula falgalaan jirka aadanaha.
Catherine Priestley, Khabiirka Kalkaalisada Caafimaadka ee Daryeelka Kansarka Naasaha, ayaa tiri: “Tani waa cilmi-baaris hore oo cajiib ah. Daraasad dheer oo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo helo faham buuxa oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya maadooyinka ku jira waxyaabnaha la isku qurxiyo iyo khatarta kansarka naasaha.
“Waxaa muhiim u ah haweenku inay xasuusnaadaan in marka isbedel lagu sameeyo qaab nololeedkaaga ay kaa caawin karto yaraynta khatartaada, kama hortagi karaan gabi ahaanba kansarka naasaha” ayey intaas ku dartay.
Dalal ka tirsan caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa mudooyinkan waxaa ku soo badanayey dumarka laga helo kansarka Naasaha, arrintaasoo wax laga saarao isticmaalka sii kordhaya ee dawooyinka la isku qurxiyo.
Baraha bulshada Soomaaida ayaa waxaa lagu xayeysiiyaa goobo ganacsi oo waddan kii ku yaal, kuwaasoo isku qasaya daawooyin ay ugu talo galeen in dumarku isku qurxiyaan kuwaasoo waxyeelo badan u geysta Caafimaadka qofka.