Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Barta facebook ee heyadda Duulista Rayidka Soomaliyeed oo la jabsaday

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ku wargeliyay Hay’adaha Dowladda iyo kuwa Madaxa banaan ee caalamka in la jabsaday cinwaanka ay hay’addu ku leedahay barta facebook.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan qoraalo uu soo gelinayo qofka jabsaday oo ku sugan dalka Mareykanka.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ayaa isagoo intaasi ku daray in waaxda IT-ga hay’adda ay ku howlan tahay soo celinta page-ka, ayna rajo badan ka qabaan soo celinta bogga.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay shacabka iyo heyadaha dowlada ineysan ku kedsoomin haddii bogga lagu daabaco qoraalo qaldan

Related posts

Abiy Ahmed oo markii ugu horeysay qirey ciidamada Eritrea ee ka dagaalamay Tigray

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo weerar culus ku qaaday Villa Somalia soona bandhigay Qorshe ay …

Cabdi Cade

(Sawirrro) Farmaajo oo khudbad ka jeediyey kulan xalay ka dhacay Villa Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---