Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirka banbaxa Golaha Wasiirada Somalia oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howllaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Raisul Wasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre oo kulanka furay ayaa ku dheeraaday waajibaadka horyaalla golaha Wasiirada iyo qorsheyaasha waxqabad ee laga sugayo.

“Waxaa farxad iyo Sharaf ii ah inaan maanta daah-furay kulan wadareedka Golaha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah madal aan ugu talagalnay in aan kuso bandhigno qorshe howleedka Golaha iyo ujeedooyinka ay doonayso in aan xaqiijinno si aan wax uga qabanno baahiyaha bulshadeennu ladala-dhacayaan” ayuu yiri RW Hamza

Related posts

Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo la dhameestiray (Magacyo iyo Sawirro)

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo Ajaaniibta ka joojisay in Cumro u yimaadaan dalkeeda

Cabdi Cade

Nin Dilay arday Muslimiin ah oo lagu riday xukun adag (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---