Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shaqaale ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashada Kenya oo la weeraray

Guddiga madaxa banaan ee doorashada Kenya ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan guddiga la weeraray habeen hore.

War uu soo saaray guddiga ayuu ku sheegay in weerarka shaqaalaha uu dhacay xili la isku diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada Madaxweynaha ee laga gudbiyay maxkamada sare

“Isniintii oo taariikhdu ahayf 22-ka Ogosto, 2022 abaaro 8:30 fiidnimo koox abaabulan oo sita hub ayaa isku dayay inay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC ee diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha.” ayay guddiga ku ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen twitter.

Laguma sheegin qoraalka guddiga khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkan oo aan la ogeyn weli cida geysatay.

Hogaamiyihii hore Mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo kooxdiisa ayaa Maxkamadda ugu sarreysa u gudbiyay gal dacwadeed ka dhan ah doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya taasoo madaxweyne loogu doortay madaxweyne ku xigeenka haatan xilka haya ee Kenya, William Ruto.

Related posts

Turkiga oo Xayiraad dhanka Fiisaha Transit-ka ku soo rogtay 10 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay

Cabdi Cade

Waa cusub oo u billowday Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka

Cabdi Cade

Nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Muuse Biixi oo xukun lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---