Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Prof. Saciid Ciise: “Farmaajo waxaa lagu tuhmayaa inuu qaatay dukumentiyo Qaran oo cadeynaya..”

Hogaamiyaha xisbiga Dadka Prof. Saciid Ciise Max’uud ayaa sheegay in madaxweynihii xilka ka degay ee Somalia uu dokumentis muhiim ah ka qaatay Villa Somalia inta uusan xilka wareejin.

Prof. Saciid Ciise Max’uud ayaa sheegay in dokumentiska la qaatay ay ku jiraan kuwo xasaasi ah oo cadeyn heshiisyo qarsoodi ah oo uu Farmaajo la galay dowlado iyo heyadddo shisheeye,

“Farmaajo waxaa lagu tuhmayaa inuu qaatay dukumentiyo qaran oo cadeynaya heshiisyo qarsoodiya oo ah qiyaano qaran iyo hanti badan oo dowladda Qatar ay ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed dowladooda” ayuu yiri Profasor Saciid Ciise oo ka mid ahaa musharaxiintii isku soo taagay doorashada Madaxweynaha ee dhacday sanadkan.

Waxaa uu intaas raaciyey inuu cabsi badan iyo walaac ka qabo in dukumentiskas oo ay ku jiraan kuwo khuseeya amniga Qaranka uu faraha ka baxo una gacan galo dalal cadow ku ah Somalia.

“Waxaa cabsi weyn laga qabaa sirta qaranka dukumentiyo kala duwan oo galalka keydkoodu aad u dhowrsanaa in Farmaajo uu gacanta u geliyo Ethiopia, kuwaasoo horay loo tuhunsanaa in qaar ka mida Fahad uu gacanta u geliyey sirdoonka dowladda Qatar’ ayuu yiri Prof. Saciid Ciise oo sidoo kale ah Barre wax ka dhiga Jaamacad ku taalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, waxaa uu dhaliilay talaabadadii Baarlaamanku xubin sharfeed xildhibaan ugu aqoonsaday Farmaajo.

“Waxey ahayd tilaabo aan laga fiirsan in Farmaajo loo dhaariyo xubin sharfeed xildhibaan, isagoo lagu eedeynayo gaboodfalo qaran iyo kuwo dadweyne. Waxaa dowladda cusub laga sugayey iney baarto eedeymaha loo soo jeedinayo Farmaajo, kadibna ay hor keento maxkamada si loo dhegeysto dhagarta loo haysto. Haddii taas la waayo waxey dowladdu u bareertay iney ku dhiirogelineyso shacabka iney cadaaladda gacmahooda ku raadsadaan’ ayuu intaas ku daray Hogaamiyaha xisbiga Dadka.

Dhinaca kale, Prof. Saciid Ciise ayaa si kulul cambaareeyey weerarkii ka dhacay Hotelka Xayat ee magaalada Muqdisho.

Xasuuqii ay geysteen 19/08/2022 xagjiriinta argagixisada ah waa mid shacabka Soomaaliyeed oo wadaniyiinta ah ku dhiirogelinaya iney hiilo ku garab istaagayaan dadaalada u wado hogaamiyaha dowladda Mudane Madaxweyne Hassan Sheikh Maxamud. Xiligan adag oo ay taagan tahay halista hubanti la’aanta amni waa wakhtiyada dhifka ah oo qalbiyada shacabka Soomaaliyeed mideeya, taageero buuxdana la garab istaaga madaxda sare ee hogaamineysa dowladda dalka. Ciddii aan muujin xiligan adag taageerada dowladda waxey u muuqaneysaa iney cadaw ku tahay ummadda Soomaaliyeed iyo dowladnimadeeda” ayuu yiri Prof. Saciid.

Waxaa uu xusay in la joogo xiligii dhinac la iska dhigi lahaa mucaarad iyo Muxaafid, meelna looga soo wada jeesan lahaa difaaca dalka iyo dadka.

“Xiliga ay taagan tahay duruufaha adag oo halista ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed ma ahan wakhti ku haboon mucaaradnimo ka dhan ah dowladda curdunka ah oo xilka haysa saddex bilood oo keliya. Shacabka Soomaaliyeed si buuxda ha u garab istaagaan madaxda u taagan badbaadinta qaranimada Soomaaliyeed, fariimo adagna ha u diraan cadawga ummadda iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Lama joogo wakhtiga ku haboon in la sameeyo xilkaqaadis oo xaaladda taagan aan ku soo kordhineyn waxkaqabad macno leh” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Prof. Saciid Ciise Maxamuud.

Related posts

Taliye Shub oo shaqada ciidanka ka eryay 32 askari kana hadlay Sababta keentay

Cabdi Cade

Dilal xalay ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Saraakiil iyo Ciidamo ka socda Puntland oo gaaray Jiida Dagaalka Mudug (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---