Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Senator Fartaag oo ka soo horjeestay muddo kororsiga Axmed Madoobe

Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo mar soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay muddo kororsiga loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland, kaddib markii shalay Baarlamanka Maamulkiisa uu hal sano ugu daray muddo xileedkii Madaxweynaha oo markii hore ahaa afar sano.

Fartaag ayaa talaabada uu qaaday Baarlamanka Jubbaland ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka Jubbaland iyo kan federaalka.

“Ma filayo falkii shalay ay sameeyeen Baarlamaanka Jubbaland ee baal marsanaa Dastuurka inuu aqbalayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo aan horay isla diidnay muddo kororsigii dowladdan middii ka horeeyay ay sameysatay oo dalka khal khal gelisay”ayuu yiri Senatar fartaag.

Waxaa uu intaas ku daray in talaabadan ay carqalad ku tahay sidii dib u heshiisiin looga dhex sameyn lahaa Jubbaland gaar ahaan khilaafka ka taagan gobolka Gedo.

Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in Axmed Madoobe oo shalay ka mid ahaa masuuliyiintii diidanaa muddo kororsigii Farmaajo uu maanta ku dhaqaaqo isla wixii uu shalay diidanaa.

“Wixii aan shalay ka diidnay Farmaajo ka yeeli mayno Axmed Madoobe iyo cid kale toona” ayuu yiri Senator C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo.

Related posts

Fanaan caan ah oo sabab laga naxay u joojiyey bandhig faneed weyn (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Amaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay iyo isbadal cusub oo la dareemayo

Cabdi Cade

Hogaamiyeyaasha labada Kuuriya oo yeelanaya kulankii ugu horeeyey ee fool ka fool ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---