Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhalinyaro dowlada Somalia ka sii deysay xabsiyada Liibiya oo ku soo wajahan dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay sii deynta dhallinyaro qaarkood Maxaabiis ahaan u heysteen Kooxaha Burcada Liibiya ee loo yaqaano Magafayaasha.

Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegay in dhallinyaradan diyaarad laga soo saaray dalka Liibiya maalinta bari ahna laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ayuub Xaashi Ciise ayaa sheegay in dhallinyaradaan oo tiradoodu gaareyso 14 ay safaaraddu u dhameystirtay dhammaan waxyaabihii ay u baahnaayeen .

Safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitan Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalka Liibiya dib loogu soo celin lahaa dalka.

Related posts

DAAWO TOOS: Go’aanka Maxkamada ICJ ee dacwada badda Somalia iyo Kenya

Caydiid Ali

Shirka Madasha Nabadda Paris oo furmay iyo RW Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoor-qoor oo cabasho gudbiyey iyo Wararkii ugu dambeeyey Shirka wada tashiga Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---